Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta oo horseeday dib u dhiska dowladdnimada dalkeenna.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda Soomaalida oo ah Madxaf qaab casri ah loo dhisay, lagana hirgaliyay magaalada Carta, kaasi oo lagu keydiyay Taariikhda Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaan Munaasabadda ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dowladood, madaxdii hore ee dalkeenna, siyaasiyiin, dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.