Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aby Axmed oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Addis Ababa (Wargeyska Dalka): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Itoobiya mudane Abiy Axmed.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo iskaashi horumarineed ee heer gobol.