Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.
Madaxweynaha JFS mudane , Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay gogosha wadatashiga Qaran ee uu shalay ka daah-furay muqdisho ayaa intaa ku daray in ay tani tahay rabitaan shacab oo ah ballanqaad ay u samayeen dhamaan murashixiintii xilka madaxtinimo u tartantay laga soo billaabo shirkii Carta 2000 ilaa 2022.
“Dhameystirka Dastuurka waa horutabin Qaran, rabitaan shacab iyo ballanqaad ay u samayeen dhamaan murashixiintii xilka madaxtinimo u tartantay laga soo bilaabo shirkii Carta 2000 ilaa 2022″.
Madaxweynaa ayaa sheegay in haddii qof kale la dooran lahaana uu shaqada ugu horreyso ka dhigan lahaa dhammaystirka Dastuurka, taas oo ah ballan ay horay u qaadeen musharrixiinta.