Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka Baxdo waqti munaasab ah ayay qaateen go’aanka horseeday in ay xorriyad ugu noolaadaan Dhulkooda”

Baxdo- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee hortagga figirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada GALMUDUG ee ku haray gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

 

Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo Cunug

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan, dad taagan, dad lugeynaya, bannaanka iyo dad tiro badan