Madaxweyne Xasan Sheekh: Amniga Muqdisho in uu hagaago iskama imaan ee dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhigooda u huray

Madaxweymaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, kaddib Salaaddii Jumcaha ee maanta ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, tanaasulka dowladda ee tabashooyinka mucaaradka, nidaaminta dhulka danta guud iyo dhacdooyinkii amni-darro ee Caasimadda ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka hadlay Amniga caasimadda oo dowladda si weyn u sugtay “Amniga Muqdisho in uu hagaago iskama imaan ee dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhigooda u huray, waxaana codsanayaa in aan noola celin meeshii laga yimid.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan isagoo shacabka kula dardaarmay in ay ilaashadaan Amniga iyo horumarka caasimadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhiga degmada Warta-nabada, isagoo sheegay in maxkamad sugayaal yihiin shaqsiyaad ku xadgudbay muwaadiniinta Soomaliyeed,madaxweynaha ayaa xusay in hubka waaweyn cidna laga ogolayn in ay magaalada la dhex marto “Aniga oo ah Madaxweynihii JFS ayaa iska reebay gaadiidka hubka culus saaran yihiin, waana mamnuuc in Muqdisho hub culus lagu dhexmaro iyadoo lagu xaragoonayo.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.