Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen?

Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay – jiritaanka anticline, fault traps iyo salt domes, oo hayn kara shidaal. Waxay arkeen jiritaanka shidaal haye (reservoir) iyo shidaal dhale (source rock), sida ay qorayaan Warbaahinta dalka Turkiye.

Ka dib markay baroosees-gareeyeen xogaha saysmikada, waxaa u soo baxday baro nuurayo (bright spots), iyo baro mugdi ah (dim spots), oo tilmaamayo shidaal dareere ah (batrool) iyo mid gaas ah.

Maxay sheegeen dhul-yaqaanada (geologists) shirkadda TPAO? Waxay qiyaaseen shidaalka ku jira 2da xirmo (blocks) oo ay sahmiyeen inuu dhan yahay 20 bilyan barmiil/ama barmiil-u-dhigan oo gaas ah. Ogaada inaan weli ceel la qodin. Waa qiyaas ee ma aha dhab. Dhabta waxaa lagu gaara marka Ceelal la qoday laga helo shidaal, oo la bam-gareeyo oo laga qiyaaso meeshaas Beerta Shidaalka ah ee la helay muggeeda iyo awoodeeda.

Haddaba Warbixin kooban oo laga helay Markabka Sahminta Shidaalka ee Dowladda Walaalaha ah ee Turkiga ayaa si guul ah u soo gabagebeeyey howshiisii Badda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Turkiga ayaa tallaabo muhiim ah ka qaaday dhinaca iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Markabka sahminta Shidaalka ee Oruç Reis uu si guul leh u dhammeystay howlgal muhiim ah oo uu ka waday biyaha Badda Soomaaliya.

Markabkan casriga ah ayaa shaqadiisa ka bilaabay Xeebaha Soomaaliya 25-kii Oktoobar 2024-kii, wuxuuna muddo 234 maalmood ah, si isdaba joog ah uga shaqeynayay seddex qaybood oo istaraatiiji ah oo Badda Soomaaliya ka mid ah. Intii lagu guda jiray howlgalkaasi, waxaa la ururiyey xog rasmiga ah oo 3D ah (seddex-geesood ah), iyadoo la daboolay dhul badeed baaxaddiisu tahay 4,464 kiiloomitir oo isku wareeg ah.

“Xogtan qiimaha badan ee uu markabku soo ururiyey ayaa noqon doonta mid tiir-dhexaad u ah daraasadaha iyo go’aamada mustaqbalka ee la xiriira qiimeynta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Tani waxay fure u noqon kartaa xoojinta madax-bannaanida dhaqaale ee Soomaaliya iyo sare u qaadidda awoodda istiraatiijiga ah ee dalka ee Geeska Afrika”, sidaasi waxaa sheegay Khabiir ku takhasusay arrimaha Shidaalka.

Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo dekedda Muqdisho 15-ka Juun 2025-ka, isaga oo ku soo tagaya dalka Turkiga, si loo farsameeyo una sii qiimeeyo xogtii muhiim ka aheyd ee uu helay.

Howlgalkan sahminta ah waxa uu tusaale cad u yahay xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo taageero toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Tamarta, Madaxbannaanida iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalka, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyay in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal, wuxuuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaasi oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

By. C/lahi Ruush