Madaxweyne Ramaphosa oo magacaabay koox la dagaalanta musuqmaasuqa

Madaxweynaha dalka koonfur Afrika ayaa  Cyril Ramaphosa ayaa sagaal xubnood u magacaabay inay soo dhisaan gole gacan ka geysta la dagaallanka musuqmaasuqa.

Kooxdu waxay gacan ka geysan doontaa hirgelinta istaraatiijiyadda ka hortagga musuqmaasuqa ee dawladda, bulshada rayidka ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Guddiga ayaa sidoo kale ku hagi doona madaxweynaha jawaabta ay dowladdu ka bixineyso fulinta talooyinka warbixinta guddiga Zondo.

Madaxweyne Ramaphosa waxa uu haystaa ilaa 22 ka Oktoobar inuu baarlamaanka uga warbixiyo sida maamulkiisu u fulin doono natiijada warbixinta.