Madaxweyne Qoor-qoor oo sheegay inay ka go’an tahay xoojinta amniga iyo soo afjaridda argagixisada

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu uu ahmiyadda koobaad siinayo dadajinta doorashada iyo sida ay kaga go’antahay xoojinta amniga iyo soo afjaridda kooxaha xagjirka ah, iyadoo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug.

Madaxweyne Qoor-qoor oo u xog-warramayay wafdi ka socda QM midoobay oo maanta gaaray Dhuusamareeb ayaa intaa ku daray inay howlgallo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ay socdaan, kuwaas oo lagu soo afjarao haraadiga Argagixisada Al-Shabaab.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Anita Kiki ayaa ugu dambeyn ka mahad celisay soo dhaweynta wafdigeeda ayaa ballan qaadday in Qaramada Midoobay  ay diyaar u tahay taageeridda arrimaha doorashooyinka ayna ka go’antahay dabar goynta argagaxisada iyo nolol u abuuridda dadka ku nool degaanada la xoreeyay.

Ujeeddada socdaalka ee wafdiga QM ayaa ahaa u kuurgalka xaaladda guud ee Galmudug, arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta, taageeridda howlgallada argagaxisada lagu soo afjarayo iyo sidii adeegyada aas-aasiga ah loola gaari lahaa dadka ku nool degaannada laga xoreeyay kooxaha nabad diidka ah.