Madaxweyne Laftagareen oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda WFP

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayey ku xigeenka Agaasimaha Guud Hay’adda Cuntada Adduunka.

Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda WFP ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gargaarka, cunta yarida iyo sidii loo kordhin lahaa gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saamaysay is-beddelka cimillada iyo abaaraha.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka koofur galbeed.