Madaxweyne Laftagareen oo kormeerey Dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ayaa kormeerey Dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Kormeerka Madaxweyne Laftagareen ee Garoonka Diyaaradaha ayaa kuso beegmaya xili maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.