Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmada Buur-hakaba

Madaxweynaha Dowlada gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Safar Shaqo ku gaaray Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Degmada Buur-Hakaba.

Inta uu joogo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshadda.