Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shir guddoomiya kulan looga hadlayay Amniga Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa guddoomiyey shirka Amniga Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala degmadda Cabudwaaq ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, iyo furista waddooyinka, si loo soo celiyo bilicda, loona xoojiyo amniga & kala danbaynta.