Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo guddoomiyay Shir looga hadlay dardargalinta Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Dhuusamareeb:-Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Shir gudomiyay Shir lagu dardargalinaya Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah Galmudug.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Amniga Galmudug ,Saraakisha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu so dhaweyay hormarada baxaada leh ee Ciidamada  Xoogga , Darwiishta Galmudug iyo Ciidanka Deeganka ay ka sameyeen  Dagaalada  ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Khawaarijta si xun lagu jabiyay Dagaaladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay waxana u faray Ciidamada in ay sii laba jibaaran sifaynta Khawarijta.

Ugu Danbeyn Shirkaan ayaa lagu kala qaatay awaamiir hor leh oo sare logu qaadaayo Amniga Galmudug.