Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo xiray shirweynaha haweenka Puntland

Garoowe- Madaxweyne Ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaannada degmooyinka Puntland oo muddo laba cisho ah Garoowe ka socday.

Shirkaan ayaa xoogga lagu saaray doorka haweenka ku leeyihiin hanaanka doorashooyinka, waxaana gabagabadii Shirwaynahan ka soo qayb galay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland qaar ka mid ah Haweenka Puntland, Madaxda Wasaaradda Haweenka, ururada bulshada rayidka ah, odayaal dhaqameed iyo Madax ka socotay qaybaha kala duwan ee Maamulka.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi oo shirka soo xiray ayaa waxaa uu bogaadiyay dedaalada lagu doonayo sidii haweenku door muuqda ugu yeelan lahaayeen Siyaasadda iyo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland, isagoo xusay in haweenku u baahan yihiin caawin dhinacyo badan leh.

Mudane Karaash ayaa tilmaamay in haweenku kaalin muuqata ku lahaayeen samata bixinta qoysaska iyo bulshada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee lagu guda jiray Burburka hadana ay mudan yihiin tixgalintooda.

Axmed Cismaan Cilmi Karaash Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa gabagabadi Haweenka ku dhiiri galiyay inay is diiwaan galiyaaan oo ay qeyb ka noqdaan hanaanka Dimuqraadiyadeed ee ay Puntland u guurayso Maadaama ay yihiin bulsho ahaan 65%.

Shirwaynahan Haweenka Puntland ee ka qayb qaadashada Haweenka ee doorashooyinka Golayaasha Deegaannada Puntland ayaa ku soo aadaysa, iyadoo saddex dagmo oo ka tirsan Puntland ay dhawaan ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah oo dadku ku soo dooranayaan Mudanayaasha Golaha deegaanka ee degmooyinkaasi.