Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shir guddoomiyay kulanka amniga

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga..

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.