Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo shir guddoomiyey wadatashi ku saabsan qorshaha ‘Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka’

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa shir guddomiyay Shirka wadatashiga Hiigsiga Qarni-Jirka 2060 ama Vision 2060.

Shirkaan ayaa waxaa sido kale qayb ka ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Ee Golaha, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Hassan Adam Hosow.

Shirkaan waxaa diirada lagu saray ahmiyada Hiigsiga uu u leeyahay horumar ka dalka iyo diyaarinta fulinta Hiigsiga,madaxweyne kuxigeenka  ayaa soo dhoweeyay Hiigsiga fog, waxuuna ballan qaadeen in Galmudug ay ka qeyb-qaadanayso Hiigsiga Qarni-jirka 2060 ama Vision 2060.