Madaxweyne Guudlaawe oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Baladweyne.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Baladweyne u tagay horraantii sanadkan xallinta tabasho ay qabeen qaar ka mid ah bulshooyinka gobolka Hiiraan iyo qabashada doorashada kuraasta maamulka Hirshabeelle ee degaan doorashoodu tahay Baladweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa inuu gudo galo qabashada lix kursi oo ka tirsan BFS, kuwaas oo ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.