Madaxweyne Galmudug oo ka qeyb-galay munaasabad lagu caleema sarayay maamulka cusub ee degmada Guriceel

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa degmada Guriceel kaga qeyb galay munaasabad lagu caleema sarayay maamulka cusub ee Degmada oo dhawaan la doortay.

Munaasabadda caleema saarka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiis oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah labada gole ee Dowlada Fadaraalka,Maamulka Galmudug iyo Bulshada Degmada Guriceel.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay guddoonka cusub ee Degmada Guriceel isagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.