Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed guusha uu xisbigiisa ka gaaray doorashooyinkii baarlamanka ee dalkaas ka dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu sharciyad xooggan ka helay shacabka Ethiopia.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonta wada-shaqeynta dowladda Ethiopia “si loo sii xoojiyey xiriirka labadeena dal si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”ayaa lagu yiri qoraalka.