Madaxweyne Farmaajo oo furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa lagu dhammeystirayaa dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.