Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Caasimadda dalka Uganda ee Kambala

Kampala- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ka mid ah Madaxda lagu marti qaaday Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Wafdiga Madaxweynaha saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ah mas’uuliyin katirsan dowladda Soomaaliya oo ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka ee madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo dib loo doortay.