Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano oo horay u ahaa taliyihii ciidanka PSF-ta in uu noqdo Agaasimaha qeybta kumaandooska amniga ee Puntland.
Sidoo kale qeybta gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces) ayuu Madaxweyne Saciid Deni u magacaabay S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.
“Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.