Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Waxaa goor dhaw Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug siweyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalmahii  la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Xubno kamid ah Maamulka galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada.