Madaxweynaha Somaliland oo madaxda Qaranka uga mahadceliyay gurmadka Suuqa Waaheen

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda sare ee dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka sheegay kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa 8-Milyan oo doollar ayaa wuxuu ugu mahadnaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu sheegay in ay khadka taleefanka uga tacsiyadeeyeen dhibaatadii qabsatay Shacabka Somaliland oo hantidoodii ku waayey dabkii dhowaan qabsaday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Federaalka dhaqaalo ay ku kaabtay dadaalka lagu doonayo in dib u dhis loogu sameeyo suuqa magaalada Hargeysa ee Waaheen,wuxuuna ku bogaadiyay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Ganacsatada gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland.