Madaxweynaha Shiinaha oo sheegay inuu nabadda kala shaqeynaayo Kuuriyada Waqooyi:

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa u sheegay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un in Beijing ay diyaar u tahay in Pyongyang ay kala shaqeyso guud ahaan nabadda iyo xasilloonida caalamka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi (KCNA).

Warbixintaan ayaa soo baxda maanta oo Sabti ah,kadib markii  Kuuriyada Waqooyi ay ridday maalmihii la soo dhaafay gantaal isaga kala gooshi kara qaaradaha.

Dhambaalka uu u diray madaxweynha Shiinaha,waxa uu ku sheegay in Beijing ay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso “nabada, xasiloonida, horumarka iyo barwaaqada gobolka iyo caalamka”.

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadyadii la soo dhaafay samaysay rikoodh jabiyay gantaallo ay ridday, waxaana sii kordhay cabsida laga qabo in ay samaynayso tijaabadii toddobaad ee Nukliyeerka tan iyo sannadkii 2017-kii