Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Federaalka Ruushka, Vladimir Putin u sameeyey madaxda ka qaybgalaysa Madasha 12-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay.
Madaxweyne Putin ayaa khudbaddii uu kulanka ka jeediyey ku adkeeyey doorka dhaqanku ku leeyahay isku soo dhoweynta shucuubta iyo sii wadidda wada hadalka, xitaa marka xiriirrada siyaasadeed iyo dhaqaale ay hakadaan. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ilaalinta aqoonsiga dhaqamada kala duwan, ka qaybgalka dhallinyarada iyo is weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada.
Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa Madaxweynaha Ruushka iyo dowladdiisa uga mahadceliyey martigelinta madasha, soo dhaweynta diirran iyo sidoo kale kaalinta ay ka qaadanayaan hormarinta dhaqanka iyo farshaxanka.
Wasiirka ayaa xusay in ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan uu fursad muhiim ah u yahay soo bandhigidda hodantinimada hidaha Soomaaliyeed, is-weydaarsiga khibradaha iyo dhisidda iskaashi waxtar u leh hay’adaha dhaqanka, fanaaniinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.





