Madaxweynaha Puntland oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS).

Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul ( carruurta, haweenka iyo naafada).