Madaxweynaha puntland oo dhagax dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Boosaaso- Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  dhagax-dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa loo dhisi doonaa qeybo ay kamid yihiin qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger qaybta Xamuulka, dhismaha Dab-damiska iyo dhismaha Tower cusub.

sidoo kale waxaa la dhammaystiri doonaa oo hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hoteel casriya oo uu yeelan doono Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.