Madaxweynaha Puntland oo daah furay Shirka Horrumarinta Beeraha

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe ka furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo maanta lagu beegay Maalinta cuntada Adduunka.

Shirka Horumarinta Beeraha Puntland waxaa ka qeybgalay Madaxwaynaha Puntland Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo soo diyaariyay Shirkan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasaaradaha wadashaqeynta la leh Wasaarada Beeraha Puntland, lataliyeyaal Madaxweyne, Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, Ururada Bulshada, Ganacsatada iyo Beeralayda Puntland.

Wasiirka Beeraha Puntland iyo iskaashatootinka Beeraladayda Puntland ayaa shirka ku soo bandhigay horumarada wax soo saarka Beeraha Puntland iyo dalagyada kala duwan ee laga soo saaro Beeraha iyo inay u baahan yihiin taageerooyin dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso wax soo saarka Beeraha, isagoona ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan.

Madaxwayne Dani ayaa cadeeyay in Dowladuna ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si macquul ah ganacsata iyo dadka la yimaada hal abuurada ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka dalka.