Madaxweynaha oo u hambalyeeyay boqorka Sacuudi Carabiya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 95-aad ee maalinta Qaranimada Sacuudiga u diray Xaakimka labada Masjid ee Barakeysan, Boqor Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray Boqortooyada iyo shacabkeeda, isaga oo u rajeeyay horumar, barwaaqo iyo xasillooni waarta.