Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ku ammaanay Xukuumadda DanQaran guulihii waaweynaa ee ay xaqiijisay muddadii ay jirtay, isaga oo ku boorriyey in ay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka.
Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga,dib-u-xoreynta, dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo kororka dhakhliga oo loogu maalgeliyo adeegyada bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay golaha in ay xoogga saaraan xaqiijinta dimoqraadiyeynta dalka, si shacabka Soomaaliyeed talada loogu celiyo, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo xoojinaysa muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.
Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee ku aaddan in afar diblumaasi loo dalacsiiyo darajada Safiir iyo qunsul.
Danjireyaasha la ansixiyey ayaa kala ah;
1. Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
2. Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
3. Mudane Xasan Xuseen Xasan (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
4. Mudane Guuleed Warsame Rooti (Waxaa loo dalacsiiyey Qunsul Guud.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, iyada oo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.