Dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mahamuuud ayaa shaqadiisa kowaad waxa uu Ka dhigtay ciribtirka kooxda khawaarijta Alshabaab oo dhibaato xooggan ku haayey muddo 15sano ah.
Madaxweynaha, Raiisal wasaaraha ayaa Ka go an soo afjarida kooxaha khawaarijta Alshabaab ayaga oo Ciidmada xoogga dalka iyo dadka deekaanka ku booriya ciribtirka arxan laawayaasha ah kuwaa oo bulshada Soomaaliyeed xasuuq ba’ an u geestay Haldoor, Aqoonyahano, dhalinyaro,haween iyo caruur.
15kii sano ee lasoo dhaafay kooxaha khawaarijta ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku haayeen dhibaato xooggan sida dilal arxan daro ah , qaraxyo joogta ah , dhaca iyo boobka hantida dadweynaha taasina waxa ay keentay in bulshadii Soomaaliyeed ay xanuunkii dareemeen oo ay Ka keceen xanuunkaas taasina waxa ay keentay in dowladdu ay bulshada Soomaaliyeed ku garab istaagto la dagaalanka khawaarijta.
Dadka shacabka oo kaa shanaayo Ciidmada Dowladda ayaa deegaano badan Ka xureeyey koooxda khawaarijta
Sidoo kale Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ayaa bilaabay baarujinta Shacabka sida ay iskaga dhicin la haayeen kooxda khawaarijta sidoo kalena dowladdu ayaa bilowday culimada in ay isku keento oo go aano mideysan oo looga soo horjeedo khawaarijta ay soo sareen taasina waxay bar bilow u tahay in bulshadii , ganacsatadii , culimadii ay ku dhiiradaan ladagaalanka fikirka xagjirka ah ee kooxda khawaarijta Alshabaab.
Kooxaha khawaarijta ayaa ah kuwa gabalkooda sii dhacaayo sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku haayeen dhib aad u weyn taasina waxa ay keentay kacdoon dadweyne oo deegaano badan laga xureeyey kooxaha khawaarijta ah ee gabalkooda sii dhacaayo.
Dowladdu waxaa looga baahan yahay sii wadida baraarujinta shacabka Soomaaliyeed ee heeganka u ah iska dhicinta kooxaha arxanka daran ee khawaarijta ee dhiigya cabta oo aan u naxeyn dad iyo dalba dowladdu dhiirigalin joogta ah, dagaalka oo lagu sii xanuunjiyo, dhaqaalaha oo laga cunaqabteeyo taasina waxa ay keeneysaa in marba marka kasii danbeysa ay bulshada Soomaaliyeed ku dhiiradaan af iyo adinba in ay iskaga dhicyaan kooxaha khawaarijta.
Wargeyska Dalka.