Madaxweynaha Dalka Mauritania oo guddoomay fariin gaar ah oo kaga timid Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani oo ka guddoomay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS Sheekh Mukhtar Roobow, fariin gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS Ahna Ergayga gaarka ee Madaxweeynaha JFS,oo kusugan Dalka Muritaaniya ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Wadankaas Xaalada Dalka iyagoo kawada hadlay Adkaynta Xiriirka Labada Wadan ee Walaalaha Soomaaliya Iyo Mauritania.

Kulanka waxaa Goob Joog ahaa Wasiirka Madaxtooyadda, Dalka Mauritania, Wasiirka Arrimha Diinta iyo Tacliinta ee Dalka Mauritania Iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya ee Dalka Aljeeriya, ahna Safiirka aan daganayn  Dalka Mauritania, Mudane Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).