Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo la kulmay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo taageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.