Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Martin

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu Hoggaaminayey ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay abaarta daran ee ka dhacday guud ahaan dalka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo agaasimaha guud madaxtooyada Koonfur Galbeed.