Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ambasador James Swan, oo uu wehliyey wafdi diblomaasiyiin ah oo safar shaqo ku tegay Baydhabo.
Kulanka oo socday saacado ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobey, diiwaangelinta codbixiyayaasha, taageerada hay’adaha UN-ka ee dhanka horumarinta iyo gargaarka bani’aadannimo, dadaallada nabadda iyo amniga – gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta – iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo barnaamijyada dowlad-dhiska.
Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey kaalinta ay ka qaataan taageerada Soomaaliya, halka Ambasador James Swan uu ku ammaanay Koonfur Galbeed sida ay uga shaqeeyaan arrimaha nabadda iyo xasilloonida.
Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehliyey Wasiirrada Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Haweenka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Koonfur Galbeed.