Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray Dardargelinta Howlaha shaqo ee Sasaaradaha, Xoojinta Isku-xirka Hay’adaha Dowladda, Saameynta Abaaraha, iyo Hirgelinta Qorshayaasha Horumarineed ee Mudnaanta u leh Adeegyada Bulshada.

Intii uu socday Shirka, waxaa sidoo kale laga hadlay Caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo helo Maamul Hufan oo wax ku ool ah.
Madaxweynaha ayaa Agaasimiyaasha Guud ku Bogaadiyey Dadaalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan Hufnaanta Shaqada, Isla-Xisaabtanka, iyo u adeegidda Shacabka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey in la dardargeliyo fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada Horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyey Muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah, Hoggaan Wanaagsan, iyo Mas’uuliyad qaadasho, si loo xaqiijiyo Horumar Waara iyo Adeegyo tayo leh oo ay helaan Bulshada Koonfur Galbeed.