Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ukuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo u diyaar Garoobey Bilaabida howlgallo Cadowga  Khawaarijta Alshabaab lagaga Xureynayo Goobaha ay kaga dhuumaalaysanayaan Deeganada Koonfur Galbeed.