Madaxweynaha Kenya oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Amb Jabriil

Nairobi:- Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Dhawaan Madaxweynaha Jaahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu maanta waraaqahooda aqoonsiga  qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne William Ruto.

Magacaabista Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle  ayaa wada wanaagsan u jeexi doonta Xariirka labada dowladood, maadaama uu yahay shaqsi galaangalka xoogan ku leh Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda cagta saaray wado horay loogusii qaaday xasilooni siyaasadeed, waxaana magacaabista Jabriil Ibraahim Cabdulle  si wayn usoo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalkaas.