Madaxweynaha Kenya oo magacaabay Golihiisa Wasiirrada

Kenya's President William Ruto addresses the nation to announce new Cabinet Secretaries in his government, in the wake of nationwide protests over new taxes, at State House in Nairobi, Kenya July 19, 2024. REUTERS/Thomas Mukoya

Nairobi: Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta soo dhisay xukuumad cusub, isagoo dib u soo magacaabay dhowr xubnood oo ka tirsanaa golihii wasiirrada ee uu todobaadkii hore xilka ka qaaday.

Ruto oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabay xukuumad midnimo oo sal ballaaran kana kooban 11-wasiir.

Wasiirada cusub ayaa ka soo dhex muuqday Aadan Barre Ducaale oo ٍSomali-Kenyan ah, kaas oo loo magacaabay jagada uu hore u hayay ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Talaabadan ayaa timid kadib dibadbaxyo dhawaan dalkaasi ka dhacay, kaasoo sababay in laga laabto sharci canshuur ah.