Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumada Faderaalka Soomaaliya.

Wasiiradan oo kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed iyo xubno ka tirsan xafiiska Wasaaradahaas ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, iyadoo Wasiirada dhigooda ah ee Jubaland ay qayb ka ahaayeen qaabilada iyo soo dhaweeynta loo sameeyey wafdiga.

Ujeedka socdaalka Wasiiraddan ayaa ahaa xoojinta xiriirka iyo wada shaqeeynta kala dhaxaysa Wasaaradaha kale ee wadashaqeynta la leh iyo sidii mashaariicda hormarineed ee ka socda guud ahaa dalka la isaga kaashan lahaa.