Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay intii ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaanna Kismaayo laga daah furi doono Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha.