Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarigga ka jaraya Waddada Jamhuuriya oo dhacda Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Xafladdii xarig-jarka ayaa ka warbixiyay dadaalka Dowladda ee ku aadan dib u dhiska Dalka iyo ahmiyadda wadadaan ay u leedashay Bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka qeybqalaan dib u dhiska Dalka,isagoo dhinaca kale yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay jiritaankeena ciddii duulaan ku ah aan iska qabanno.

