Madaxweynaha JFS oo Tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud Tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka Tababarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Xildhibaano, Saraakiil iyo Marti-Sharaf kale.

Ciidamada Tababarka qaatay ayaa Munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus Ciidan iyo gaada ka Ciyaar.

 

FB_IMG_1786874140675.jpgFB_IMG_1786874130703.jpgFB_IMG_1786874143260.jpg