Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Magaalada Jigjiga.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa Qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Jaamac iyo Mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar,Mas’uuliyiin oo kale oo ka tirsan Dowlad Deegaanka iyo Dad weyne kale oo aad uu fara badan.


