Hoggaamiyaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa booqasho shaqo ugu tagay Madaxweynaha JFS Mud. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha dalka uga warbixiyey xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis ee Dawlad Goboleeedka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Madaxweynaha JFS uga mahadceliyey casuumaddii shirka Golaha Wadashiga Qaran, isgarab-taagga dhismaha Dawladnimada SSC-Khaatumo iyo dadaalada xukuumadda JFS ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.