Muqdisho(Wargeyska Dalka)—Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xaruunta Madaxtooyada ku qaabilay Duqa Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska, Mudane Yaasiin Maxamuud, oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo Hoggaamiya mid ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Ingiriiska.
“Waxaan si gaar ah ugu bogaadiyay Mudane Yaasiin dadaalka iyo hoggaaminta uu ku muujiyay Magaalada Bristol iyo guusha uu ka gaaray hoggaaminta mid ka mid ah Magaalooyinka muhiimka ah ee Dalka Ingiriiska”, sidaasi waxaa yiri, sidaasi waxaa yiri Mudane Dr:- Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Guushiisa iyo doorkiisa hoggaamineed waxa ay sawir wanaagsan ka bixinayaan kartida, Aqoonta iyo awoodda Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jiilka Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha, kuwaasi oo fursad u helay in ay kaalin muuqata ka qaataan hoggaaminta iyo horumarinta Bulshooyinka ay ku nool yihiin.




