Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay magaalada Baladweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, xildhibaano,wasiiro iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.