Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan looga hadlay ilaalinta Madaxbanaannida , Gobanimada iyo Midnimada Dalka la qaatay qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Dowladda ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka uu Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda, iyadoo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed, ay dadaal xooggan gelisay ilaalinta Qarannimada, Midnimada iyo Wadajir Dalka, isla markaana ay u marayso habraacyada iyo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu adkeeyay muhiimada ay leedahay in si mideysan looga hortago damaca gurracan ee wiiqaya jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-Bari, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka qayb galay, ayaa carabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Dhulka iyo Qaranka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karto Gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaallada Diblomaasiyadeed ee uu ka wado Gudaha iyo Dibadda.