Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo uu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya.
Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin ay soo jeediyeen diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda ,gaar ahaan Danjire Yuusuf Axmed Xasan, kaas oo xusay guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Aljeria.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Safiirka iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Aljeeriya ku ammaanay shaqada ay u hayaan muwaadiniinta,isagoo dhinaca kale amray in ay labo jibbaaraan shaqooyinka baaxada leh ee ay u qabataan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kula dardaarmay maamulka safaaradda in ay door wanaagsan ka qaataan dhaqan gelinta heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Aljeeriya.

